Dad Abaar Ugu Dhintay Dowlad Degaanka Soomaalida Ee Itoobiya

 

05/04/2021

 

Wararka ka imaanaya Degmada Maa’iso ee Gobolka Sitti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Abaarta jirta ay Macaluul u raacday Deegannada Degmada hoos taga qaarkood.

Dadka Degaanka waxaa ay sheegen in intaasi ay udheer tahay in ay Beryahan taagnayd Colaad dhex taal Qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Xuseen Qayaad Gadiid oo kamid ah Odayaasha Deegaanka Maa’iso ayaa BBC-da u sheegay in Dad ay u dhinteen Gaajo darteed kadib Saameynta ka dhalatay Abaaraha ku dhuftay Deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in Dadka ay sida weyn u saameysay Abaarta ay kamid yihiin Haweenka iyo Dadka Da’da ah.

“Waxaa isugu key darmay Abaar Xun , Daacuun Caloola iyo Dadka oo Gaajo laaysay oo Geelina uu dhimanayo.”

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply