Shirkii Madaxda Xilgaarsiinta Dowladda Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, Iy Madaxa Gobolka Banaadir Ayaa Galay Maalintii 2aad

 

04-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Shirkii Shalay u furmay Madaxda Xilgaarsiinta Dowladda Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Madaxa Gobolka Banaadir ayaa lasoo sheegayaa inuu galay Maalintii 2aad, kadib marki ay isugu yimaadeen Teendhada Afisyoone ee dhawaantan laga dhex taagay Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan galay Maalintiisi 2aad oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Farmaajo, Wasiir Koowaadkiisa Xilgaarsiinta Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug, Hir-Shabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed, Puntland, iyo Madaxa Gobolka Banaadir ayaa Shalay furmay, kadib markii ay Beesha Caalamka ay Cadaadis Xoogan saartay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland.

Labada Dowlad Goboleed (Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle) oo ay wehlinayaan Wasiir Koowaadka Xilgaarsiinta ee Rooble iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Cumar Filish, ayaanan Beesha Caalamka ah ay wax Cadaadis ah saarin maadaama ay ku qanacsan yihiin Xuquuqda Ka Maqan Dadkooda iyo Degaanadooda; iyo Sedbuursiga ay haaystaan Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland,

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply