Qoorqoor Oo Muqdisho Ka Amba-Baxaya Iyo Sababta Oo La Ogaaday

 

04-04-2021

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu wadaa in Maalinada Berri ah uu ka amba-baxo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo wali uu socdo Shirkii u dhexeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qoorqoor uu Berri oo Isniin ah uu kusii jeedo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, maadaama mudada 45 cisho ee Dastuurka Galmudug dhigaya in aanu Madaxweynaha ka maqnaan karin Deegaanka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa in Gelinka Dambe ama Aroorta Hore ee Talaadada uu dib ugu soo laabto Muqdisho, si shirka uu qayb kaga noqdo, maaddama Shirka ilaa iyo hadda uusan si toos ah u furmin oo Madaxdu ay wadaan Wada-hadalo gaar-gaar ah iyo isu soo dhawaasho Siyaasadeed.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maalintii Labaad ku soo dhamaaday, waxaana jirta in aan wali wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa Maalinta Talaadada ah, si ay dhinacyada berri u soo nastaan iyo la tashiyo u soo sameeyaan. – Radio Dalsan

Leave a Reply