Maxaa Kasoo Kordhay Shirkii U Socday Madaxda Soomaalida?

 

04-04-2021

 

Waxaa soo gabagaboobay Shirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kadib markii saacado badan ay Madaxda fadhiyeen Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay KNN (Kulmiye News Network) ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida ay Maanta Dood Adag ka yeesheen Arrimaha ku saabsan Kaqayb-galka iyo Ajandaha Shirka Guud ee Dorashooyinka Dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ku doodeen in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo Shirka Guud ee Arrimaha Doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka Dowlad Goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta Khudbado uun keliya laga siiyo Shirka.

Madaxda soomaalida ayaa isku raacay in Maalinta Berrri ah ay dhinacyada la tashiyo soo sameeyaan, kadibna dib la isu’gu soo noqdo, si looga sii doodo Ajandaha iyo Kaqayb-galka Shirka Guud, waxaana Madaxda ay balameen 6-da bishan oo ku beegan Talaalada soo socoto. – Radio Kulmiye

Leave a Reply