Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Oo Ka Hadashay Shirka Madaxda Uga Socda Afisyooni

 

03-04-2021

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Xil-gaarsiinta ayaa ka hadashay Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uga socda Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Xerada Xalane ee Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu ku sheegay in Shirka u socda Madaxda uu furay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Farmaajo, uuna Shirka hordhac u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Shirkan lagu dhammeystirayo Dadaalladii iyo Wadaxaajoodyadii Arrimaha Doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hirgalinta hishiikii 17-kii Sebtember iyo Qodobadii ka soo baxay Shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Xil-gaarsiinta Rooble, kaddib Saddex Todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Afhayeen Macalimuu.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa Goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa Dadaalladii iyo Wadaxaajoodyadii Arrimaha Doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hirgalinta Heshiiskii 17 Sep iyo Qodobadii ka soo baxay Shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply