Shirkii Madaxda Dowladda Xilgaarsiinta, Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Oo Furmay

 

03-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Maanta uu Shirkii Madaxda Dowladda Xilgaarsiinta, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu ka furmay Teendhada Afisyoone ee dhawaantan laga dhex taagay Xarunta Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Warka wuxuu ku darayaa in Shirka looga wada-hadlayo Heshiisyadii 17-dii Seteembar ee 2020-kii iyo Soojeedintii Gudigii Farsamada ee Baydhabo ee 16-dii Febraayo ee 2021-da, iyo sidii loo wada hirgelin lahaay Heshiisyadii 17-dii Seteembar ee 2020-kii iyo Soojeedintii 16-dii Febraayo ee 2021-da.

Qabsoomida Shirkan ayaa waxaa ka dambeeyay Beesha Caalamka oo Cadaadis xoogan saartay Madaxda Dowladda Xilgaarsiinta iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, inkastoo ay Beesha Caalamka weli fahamsaneyn Riwaayadda Siyaasadeed ay wada dhigayaan/dhigayeen Madaxda Dowladda Xilgaarsiinta, Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Madaxda Gudoonka Baarlamaanka Xilgaarsiinta, iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Ugu dambeysti, waxaa Shirkan ku sugan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo aanan Wax Cod Ku Laheyn Shirka, lagase dhigay Goobjooge; isna hee uuba ku qanacsan yahay Goobjoognimo. Yaahuu!

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply