Faah Faahino Kasoo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

 

03-04-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta Dagaal u dhexeeyey Ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo ka dhacay Deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Huwanta ay Howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi daraya in Dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale, Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay dileen ugu yaraan 3 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda Goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Howl-gallo ka wada Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta ee Maamulka Galmudug.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply