Shir Uu Mar Kale Isugu Yeeray Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Ee Soomaaliya Ee Farmaajo

 

02-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo warinayaa in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Shir isugu yeeray Shanta Maamul Goboleed ( Gal-Mudug, Hir-Shabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed, iyo Puntland) iyo Gobolka Banaadir.

Shirka uu isugu yeeray ayaa wuxuu ka dhacayaa Teendho dhawaantan laga dhex dhisay Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni ee Magaalada Muqudisho, wuxuuna Shirka furmayaa Maalinta Sabitda ah ee Berito oo ay Bishan Abriilo tahay 2-da.

Qodobada la sheegayo ee Shirka looga hadlayo ayaa waxey yihiin: Heshiisyadii 17-dii Seteembar ee 2020-kii iyo Soojeedintii Gudigii Farsamada ee Baydhabo ee 16-dii Febraayo ee 2021-da; iyo sidii loo wada hirgelin lahaay.

Dalka Soomaaliya waxaa ka socdo Riwaayad Siyaasadeed oo ay dhigayaan Siyaasiinta soo socoto: 1) Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa, 2) Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal iyo La-taliyeyaashiisa, 3) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland iyo La-taliyeyaashiisa, 4) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Juband iyo La-taliyeyaashiisa.

Riwaayada Siyaasadeed waxaa loo dhigayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah oo ay ugu horeeyaan Golaha Midowga Murashixiinta oo noqday Daawoddoyaal maadaama Guddoomiyehoodii xitaa lagu darsaday waxa loo yeero Madasha Badbaado Qaran.

Isku soo wada-duub, Ujeedada ka dambeyso Riwaayada Siyaasadeed ee hada la dhigayo, waxaa ay tahay in kuwa dhigayo ay Beesha Caalamka isu tusaan in iyaga ay yihiin kuwa wax ka qaban karo Dalka Soomaaliya isla markaana ay kuwa loo dhigayo Riwaayada Siyaasadeed ay iyagane yihiin Hoosjoogeyaal.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply