Taliyaha CXD Iyo Saraakiil Katirsan Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Muhiim Ah

 

01-04-2021

 

MUQDISHO – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeyo Guuto OdowaaYuusuf Raage, ayaa Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka, kadib Kulan ay ku yeesheen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista Tayada iyo Qalabka Ciidanka.

Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay Taageerada ay siiyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan Shaqada dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan Wada Shaqeynta kala dhaxeysa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply