Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

 

01-04-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay Sarkaal katirsanaa Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolkaasi

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cumar Maxamed Samatar ay Toogasho ku dileen, xilli uu kusii jeeday Gurigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Ammaanka oo goobta gaaray Falka kadib ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah Raggii ka dambeeyey Falkaasi.

Saraakiisha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale xusay inay ku raadjoogaan raggii kale ee lugta ku lahaa Dilka loo geystay Marxuum Cumar Maxamed Samatar.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey Falal Liddi ku ah Amniga, sida Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply