Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye Oo Caawa Lagu Dilay Beled Xaawo

 

01-04-2021

 

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Caawa Degmadaasi lagu dilay Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye (Hudey) oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Gedo.

Nabadoonka ayay Rag Bastoolado ku hubeysan ku dileen halka lagu magacaabo Suuqa Tiirarka, waana wax yar uun kadib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday.

Raggan ayaa la sheegay in Nabadoonka ay Wadada u galeen, Xilli uu ku sii jeeday Hoygiisa, iyagoona qaarka sare ee Jirkiisa ka toogtay.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray Goobta uu Dilka ka dhacay ayaa ka sameeyay Baaritaano, mana jirto cid ay Dilka Nabadoonka u soo qabteen.

Nabadoon Hudey ayaa kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo Gobolka Gedo.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Dilka Nabadoonka, ha yeeshee Laamaha Ammaanka ayaa Dilkiisi la xiriirinaya Maleeshiyada Al Shabaab. – Universal TV Somali

Leave a Reply