Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Ayaa Gaaray Degmada Warsheekh

 

01-04-2021

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe oo Todobaadadii la soo dhaafay ku sugna Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Maanta gaaray Degmada Warsheekh oo hada lagu tiriyo Gobolka Shabeellaha Dhexe asiise markeedi hore katirsanaan jirtay Gobolkii Banaadir intii uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jen. M.S. Barre uusan Gobolka Banaadir u kala Qeybin Shabeellaha Dhexe, Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose Sanadkii 1972-dii.

Mudane Guudlaawe waxaa Degmada Warsheekh kusoo dhaweeyay Golaha Degaanka Degmada Warsheekh, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku sugan Degmada Warsheekh.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle oo ay wehlinayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Warsheekh ayaa waxaa uu dhagax-dhigay Iskuul laga dhisayo Xeebta Degmadaas, kaas oo ay wax ku baran doonaan Dadka ku nool Degmada Warsheekh iyo Tuulooyinka hoostaga.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-shabeelle iyo Wafdi u hoggaaminayo ayaa Degmada Warsheekh u tegay Dhameystirka Heshiisayo Nabadeed oo laga dhexwaday Beelo ku dagaalamay Degaano Hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mudane Cali Guudlaawe, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Warsheekh iyo qeybaha kala duwan ee Odayaasha Dhaqanka Degmada Warsheekh.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply