Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Farmaajo Ku Eedeeyey Inuu Ka Shaqeynayo In Xasilooni Darro Dalka Ka Dhacdo

 

01-04-2021

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Wareysi uu siiyay Warbaahinta kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Arimaha Doorashada Dalka, Shirkii Xarunta Xalane ka dhacay, Qodobada weli la isku mari la’yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in iyagoo Mucaaradka ah ay isku dayeen Dadaalo la isku keenayo dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada balse arintaasi ay fashilantay, isagoona talaabadaasi ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale Madaxweynaha Xileedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya ku dhaliilay inuusan rabin in Dalka ay ka dhacdo Doorsho, isagoona sheegay inuu doonayo Muddo Kororsi iyo Doorasho Boob ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay u dulqaadan weysay sida ay wax u wadaan Madaxda Dowladda, isla markaana arrintan ay Suurtagal tahay in Fara Gelin toos ah lagu sameeyo Xaalada Siyaasadeed ee Dalka.

Xigasho: Daafeed News

Leave a Reply