Wasiirka Cadaaladda Oo La Kulmay Danjiraha Biritaaniya Ee Soomaaliya

 

31-03-2021

 

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Biritaaniya ee Soomaaliya Kate Foster OBE (Officer of the Order of the British Empire) oo ay ka wada hadleen Horumarinta Arrimaha Garsoorka iyo Cadaaladda.

“Sharaf ayey ii aheed inaan maanta la kulmo Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Ingisiiska Marwo Kate Foster OBE, waxaan ka wada hadalney Horumarinta Arrimaha Garsoorka iyo Cadaaladda”. Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa xusay in Boqortooyada Biritaaniya ay dowr muuqda ka qaadato dib u dhiska Dalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply