Kulanka Golaha Baarlamaanka Oo Furmay Iyo Xubno Lagu Ansixiyay

 

31-03-2021

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kulan uga furmay Xarunta Filla (Villa)Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana Kulanka Maanta uu yahay Mid Guux Xogan uu hareeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo Kulanka furay ayaa sheegay in Kulanka ay xaadir ku yihiin 139 Mudane, waxaana uu sheegay in Saddexda Ajande oo kala ah Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Intaasi kadib, Xildhibaannada ayaa cod u qaaday Labada Xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha, iyaga oo u ansixiyay inay Guddiga kamid noqdaan, waxaana ay kala yihiin Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza.

Guddoomiye Mursal oo Natiijada Codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 Mudane ay u codeysay Labada Xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha , Saddex ay ka aamustay, isla markaana aysan jirin dad diiday.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Xilgaasriinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka siisay Warbixin la xiriirta Cudurka KOFID-19 (COVID-19).

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply