Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Dooxa

 

30-03-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo muddo kooban ku sugnaa Garoonka Hamnad International Airport ee Magaalada Dooxa.

Safiir Taano oo uu wehliyo Uqeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa Wasiirka Gaashaandhigga JFS waqti kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ayada oo Wasiirku xusay in Dowladda Soomaaliya ay Dadaal Xoogan galisay Dib-u-dhiska Ciidanka, dalal kala duwan oo Qatar ay kamid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda Horumarineed iyo Midda Amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan,

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano ayaa dhinaciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Qatar iyo soodhawaynta wanaagsan ee ay ka helaan walaalahooda Qatar, Dawlad ahaan iyo Shacab ahaanba.

Leave a Reply