Maydadka Labo Qof Oo Laga Helay Duleedka Magalada Jowhar

 

30-03-2021

 

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxey sheegayaan in degaan ku yal Duleedka Magaaladaas lagu arkay Meydadka Laba Ruux.

Meydadka labada Ruux oo uu ka muuqday Dhaawacyo loogu geystay Tooreey ayaa lagu arkay inta u dhexeysa Degaannada Raqayle iyo Bayaxow ee Koonfur Bari ee Magaalada Jowhar.

Dadka ku nool Magaalada Jowhar oo aad uga naxay Dilka loo geystay Labada Ruux ayaa waxaa ay sheegeen in Meydadka la keenay Saldhiga Magaalada Jowhar aan weli la aqoonsan.

Weli lama oga waxa ay ahaayeen Labada Qof ee la dilay iyo Dadka Ka Dambeeya Dilkooda, waxaana Mas’uuliyiin katirsan Maamul Goboleedka ka Hir-Shabeelle ay sheegeen inay baaritan ku sameyn doonan.

Xigasho: Borama News

Leave a Reply