Madaxweyne Kuxigeenka JSL Oo Ka Bogsaday Xanuunka Covid-19

 

30/03/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay inuu ka ladnaaday Xanuunka Covid-19 isla markaana laga waayay Baadhitaan lagu sameeyay Maalintii Shalay.

Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidaasi ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Shabakadda Twitter-ka.

Waxa uu Madaxweyne Kuxigeenku u Mahad Naqay Shacabka JSL, Ducadii ay usoo duceeyeen Mudadii uu Xanuunkaasi hayay.

Leave a Reply