Dib U Dhac Ku Yimid Shir Maanta La Filayay Inuu Ka Dhaco Muqdisho

 

30-03-2021

 

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid Shir lagu waday inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo la filayay inuu ka dhaco Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Khilaaf horleh uu hareeyay Shirar Gaar-gaar ah oo ka socda Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u gogol-xaaraya Shirka Guud ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo la filayo in ay yeeshaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa KNN (Kulmiye News Network) u sheegay in dhinacyadu ay weli isku fahmi la’ yihiin Arrimaha Shirka, gaar ahaanna Ka-qaybgalka iyo Ajandaha Shirka, oo ay ku jiraan Qaabka loo furay iyo Qodobada lagu bilaabayo iyo muddada uu soconayo.

Shirka oo la doonayay in la furo Talaadada Maanta ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana weli socda Kulamo Goonni-goonni ah iyo Dadaallo ku jihaysan in isfaham laga gaaro Muranka la xiriira Qabsoomidda Shirka.

Dhinaca kale, Madaxda Maamul Goboleedyada qaar ayaa ka walaacsan Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo sida qorshaysan Arbacada Berri ah la qaban doono, kaas oo laga cabsi qabo in Mudda Kororsi loogu sameeyo Dowladda Federaalka.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply