Biritaaniya Oo Ku Baaqday In La Dhaqan Geliyo Heshiiskii Doorashada Ee 17-dii Settembare (Settembre)

 

29-03-2021

 

Danjirada Biritaaniya ee Soomaaliya, Kayt Foster (Kate Foster) ayaa soo dhoweysay Dadaalada Xalka looga gaarayo Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya, kuwaa oo ka socda Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraal ay ku daabacday Barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa waxaa ay sidoo kale ku dhiiri-gelisay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, in ay sii wadaan Wada-hadalada iyadoo laga Duulayo Heshiiskii 17-dii Settembare (Settembre).

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen Dadaalo la xiriira sidii Xal looga gaari lahaa Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply