Kulankii Uu Maanta Yeelan Lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ayaa La Baajiyay

 

29-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Kulankii uu Maanta yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu baaqday, kadib markii ay Shalay Go’aano soo saareen 15 Xildhibaan oo uu Gudoomiyaha Xilgaarsiinta Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu Qoraal ku cadeeyay Habeenimadii Axadda soo galeysay in 15-kaasi Xildhibaan ay kasoo qeybgeli karin 5-ta Fadhi ee soo socoto ee Baarlamaanka Soomaaliya.

15-ka Xildhibaan ee uu Gudoomiyaha Xilgaarsiinta Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka joojiyay Ka-qeybgalka Shanta Fadhi ee soo socoto ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa iyagane Gaashaanka u dhigayay Xayiraadii uu Gudoomiyaha Xilgaarsiinta Baarlamaanka Soomaaliya uu iyaga saaray; iyagoona ku eedeeyay Gudoomiyaha Xilgaarsiinta Baarlamaanka Soomaaliya in Fadhigii Maalintii Sabtida ee Baarlamaanka Soomaaliya in uu watay Ajande Kale oo Qarsoon, kaasoo ahaay ‘Meel Marinta Muddo Kordhin loo sameynayay Madaxda Muddo Xileedkooda uu Dhamaaday ee uu ugu horeeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo’.

Maalinta Arbacada oo ay Bishan Maarso tahay 31-ka ayaa lagu aadiyay Kulankii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeelan lahaayeen.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply