Farmaajo Oo Xalay La Kulmay Qaar Kamid Ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada

 

29-03-2021

 

Iyadoo aad moodo in Khilaafka la xiriira Doorashada Soomaaliya oo uu marayo halkii ugu adkeyd, ayaa waxaa Xalay Xarunta Madaxtooyada Fila Soomaaliya (Villa Somalia) shir gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Siihayaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa sida ay sheegayaan Ilo Xog Ogaal ah oo ku dhaw dhaw waxaa siweyn guud ahaan looga wada-hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee laga yeeshay Arrimaha Doorashada, iyadoo Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada ee ka qeybgalay Shirkan warbixin ka siiyeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo kulamadii ugu danbeeyay oo ay la yeesheen Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland oo siweyn uga aragti duwan Madaxtooyada Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyayba Xerada Xalane waxaa ka soconayay Kulamo Gaargaar ah oo ay lahaayeen Madaxeynayaasha Dowlad Goboleedyada oo xal loogu raadinayay sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka jira, hase ahaatee ilaa iyo hadda lama sheegin natiijo la taaban karo oo kulamadaasi laga gaaray.

Kulanka Xalay ayaa sidoo kale leys kula soo qaaday Qalalaasihii ka dhashay Kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka iyo Shakiga soo baxaya ee Mudo Korarsiga la sheegay in Madaxtooyadu ku howlan tahay, lamana faah-faahin ilaa iyo hadda Qoddobada leysku afgartay Shirkii Xalay ee ka dhacay Fila Soomaaliya (Villa Somalia).

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply