Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Beri Yeelanaya Kulan Deg-deg Ah

 

28-03-2021

 

Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Fila Hargeysa (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay uu fashilmay kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada.

Ajandaha Kulanka Beri ayaa lagu sheegay Caabuqa Kofid-19 (COVID-19) iyo u Codeyn Labada Xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha.

Guddoonka Golaha Baarlamaanka ayaa maanta ku wargeliyay Xildhibaannada in ay kusugnaadaan Kulanka Beri, kaasi oo ka dhici doono Xarunta Fila Hargeysa (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Kulanka Beri ay yeelanayaan Xildhibaanada uu ku hoos jiro Ajande kusaabsan Muddo Kororsi loo sameynayo Hay’adaha Dowladda oo Muddo Xileedkooda Dhamaaday.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Qoral uu soo saaray Xalay, waxaa uu kusoo Bandhgay 15 kamid ah Xildhibaannada oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan 5 Kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay inay hor-ustaageen Qabsoomida Kulankii shalay.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply