Xildhibaanadii Laga Joojiyay Kulamada Golaha Baarlamaanka Oo Go’aano Soo Saaray

 

28-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – 15-kii Xildhibaan ee uu Guddoomiyaha Xilgaarsiinta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ee uu Qoraalka kasoo saarayay isla markaana uu ku sheegayay in uu ka joojiyey ilaa iyo 5 Kulamo ee uu Baarlamaanka Soomaaliya yeelanayo, ayaa lagu soo waramayaa iney Kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah 15-kii Xildhibaan isla markaana u hadlay, ayaa wuxuu sheegay in Go’aanada uu soo saaray Guddoomiyaha Xilgaarsiinta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan in ay yihiin Sharci Darro isla markaana Uusan Xaq U Laheyn in Xildhibaano uu Kahor-istaago Ka -qeybgalka kulamada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kale uu Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad uu sheegay in ay soo gaartay Farriinta loo diray Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka, ayna tagayaan Shirka Maalinta Biri oo Isniin ah, Taariikhduna tahay 29-03-2021.

“Wixii dhibaato ahna ee soo gaara Xildhibaannada, uu si Shaqsi ah Mas’uul uga yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Ugu dambeystii, qaar kamid ah Xildhibaannada uu Guddoomiyaha Xilgaarsiinta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku sheegay Qoraalkiisa ee ahaa in uu ka jooiyay ilaa iyo 5 Kulamo ee uu Baarlamaanka Soomaaliya yeelanayo, ayaa iyagane dhankooda hadlay. Waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha Xilgaarsiinta Golaha Baarlamaanka uu u adeegayo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaana uu dhibaato u horseedayo Dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply