Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig Oo Sheegay Inay Guddoon Cusub Dooran Doonaan

 

28-03-2021

 

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gaashaanka u dhigayay Xayiraad uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu iyaga (Xildhibaanadaas) uga saaray Ka-qeybgalka Shanta Fadhi ee soo socoto ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Warqadda Xayiraadda oo ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaanadaasi oo tiradooda tahay 15 Xildhibaan, looga joojiyay Ka-qaybgalka Shanta Fadhi ee soo socoto ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya; kadib markii uu ku eedeeyay inay Is-hortaageen Fadhigii Golaha Baarlamaanka ee Maalintii Shalay ee Sabtida aheyd (27-03-2021).

Hase yeeshee, waxey Xildhibaannadaasi ku eedeeyeen Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan in uu watay Ajande Kale oo Qarsoon, kaasoo ahaay ‘Meel Marinta Muddo Kordhin loo sameynayay Madaxda Muddo Xileedkooda uu Dhamaaday’.

“Warqadda waan aragnay laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso Kal Fadhiyada, sida caadiga ahna Baarlamaanka iyo Guddoonka hadda jooga ma jiraan Fadhiyo, Hawl iyo Shuruuc ay hadda qabaan karaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay iney Is-hortaagayaan, ayna is-hortaagi doonaan Mashruuca ka dhexeeya Mursal, Ku-xigeenkiisa Mahad Cawad, iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo oo doonaya inay waqti kororsadaan.

Xigasho: Daafeed News

 

Leave a Reply