Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Heshiis Hordhac Ah Gaaray

 

28-03-2021

 

Madaxda Maamul Goboleedyada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulan ugaga socday Hotel ku yaal Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gaareen heshiis hordhac ah.

Kulanka ay yeesheen Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay Heshiis Hordhac ah ka gaareen in la sii ambaqaado Heshiiska Doorashada oo muddo hakad ku yimid.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay in Madaxda Maamullada Kale ay ka dalbadeen in la qanciyo ama Kulamada Guud laga qeyb geliyo Xubnaha Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la kulmay xubno katirsan Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, waxaana la qorsheynayaa in ay la kulmaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kahor inta aan la qaban Shir lagu wado in Maalinta Talaadada ah ay isugu yimaadaan Dowlada Federalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply