15 Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Laga Mamnuucay Fadhiyada Baarlamaanka Ee Soo Socdo

 

28-03-2021

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo saaray Go’aan 15 kamid ah Xildhibaan Golaha Shacabka looga joojiyay Fadhiyada Barlamaanka ee soo socda.

Xildhibaanadan oo lagu tiriyo Mucaaradka Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen Xarunta Barlamaanka islamarkaana ay hor istaageen Furitaanka Fadhiga looga hadli lahaa COVID-19.

Xildhibaanadan ayaa Golaha ka maqnaandoona Shanta Fadhi ee soo socda, xilli lagu wado in Barlamaanka uu ka dooddo Arrimo Xasaasi ah oo taabanaya Doorashada lagu muransan yahay.

Halkaan hoose waxaa yaalo Qoraalka Guddoomiyaha.

 

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply