Shir U Dhexeeya Madax Goboleedyada Oo Ka Furmay Xarunta Xalane Ee Muqdisho

 

27-03-2021

 

Shir u dhexeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana shirka looga hadlayaa Khilaafka harreeyay Doorashada 2021-ka.

Waxaa shirkan ka qeybgalayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadda kala ah; Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo Puntland.

Shirkan ayaa kusoo begmayaa xilli dhawaan Muqdisho uu ka dhacay kulan u dhexeeyay Madaxda Dowladda, qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka maqnaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo horray walaac uga muujiyay Ammaanka Goobta Shirka lagu qabanayo.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply