Midowga Musharaxiinta Oo Farmaajo Ku Eedeyay Abaabulka Qorshaha Muddo Kordhinta

 

27-03-2021

 

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay kulan Maanta ay la yeesheen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka oo ka dhacay Hotel ku dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay inay Madaxda Maamulada Dowlad Goboleedyada ay u gudbiyeen Tabashooyinka ay ka qabaan Doorashada iyo qaabka loo xalin karo Khilaafka taagan.

Daahir Maamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka codsadeen in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Farmaajo, gacantiisa laga soo wareejiyo Amniga Doorashooyinka, maadaama Dhowr Jeer oo hore ay dhaceen Falal kala duwan oo qaarkood lagu Weeraray Musharaxiinta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Buuqa iyo Fowdada kusoo dhammaaday, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada ay diideen in la furo Kulanka Golaha.

Waxaa uu sheegay in aan la joogin Xiligii Madaxda Dowladda Muddo Kordhin loo sameeyn lahaa, isla markaana Xildhibaanada Maanta ay ka war heleen Qorshe lagu damacsan yahay in Muddo Kororsi la sameeyo, taas oo uu ku sheegay inay ay tahay wax aan la aqbali doonin.

Ugu dambeyn, Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Farmaajo, ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Abaabulka Qorshaha lagu damacsanaa Muddo Kororsiga, ayna Kasoo Horjeedan in Madaxda Muddo Xileedka Ka Dhammaaday Waqtiga Loo Kordhiyo.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply