Fashil Ku Yimid Kulankii Maanta Ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

 

27-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Warar laga soo diray Magaala Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa lagu sheegay in Kulankii ay Maanta lahaa lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in uu fashil ku yimid kadib markii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay diideen inay Qalinka ku duugaan (Saiixaan) Buuga lagu diiwaangeliyo Xildhibaannada goobjooga ah.

Warka wuxuu ku daray in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay is-hortaageen in Guddoonka Baarlamaanka uu furo Fadhigii Baarlamaanka ee Maanta ee Shakiga Badan Laga Qabay isla markaana leysku wargeilyay Xalay in looga hadli doono Caabuqa Koofid-19 (Covid-19).

Xildhibaannada is-hortaagay Guddoonka Baarlamaanka in uu furo Fadhiga Baarlamaanka ee Maanta, ayaa sida lasoo sheegayo, waxey soo heleen Xog sheegeyso in Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu waday Qorshe uu Muddo Kordhin ugu sameynayo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeystii, waxaa Golaha Baarlamaanka iskaga baxay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana uu Fashil ku yimid Kulankii Shakiga Badan Laga Qabay ee Xalay leysku wargeliyay in Maanta uu dhacayo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply