Qaybo Kamid Ah Gobolka Siti Oo Ay Ka Socdaan Dibadbaxyo

 

26-03-2021

 

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan qaybo kamid ah Gobolka Siti ee Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta ka dhacay Dibadbaxyo.

Dibadbaxyadan ayaa ahaa kuwo Shacabku ay ku taageerayeen warqad ay Xukuumadda Degaanku Soomaaliya Itoobiya u qortay Guddida Doorashooyinka Dalka Itoobiya, taas oo ay Xukuumaddu ku sheegtay in Goob Doorasho laga sameeyo Magaalooyinka uu horey Guddigu u go’aamiyey inaan Doorasho laga qaban.

Guddiga ayaa horey u go’aamiyay Magaalooyin u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo muran ka taagnaa inaan haba yaraatee wax Doorasho ah aysan ka dhicin, taas oo markii dambe ka caraysiisay Shacabka Degaanka Soomaalida, Xukuumadda Degaankuna ku gacanseertay go’aankaas.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply