Marwo Raxmo Maxamuud Gacal Oo Ku Geeriyootay Magaalada Nairobi

 

26/03/2021

 

Marwo Raxmo Maxamuud Gacal | Sawirka: Facebook

Alle ha u naxariistee waxaa Magaalada Naiorbi ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd Marwada Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Marwadii 1-aad ee Soomaaliya Raxmo, oo geerideeda ay VOA u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladeeda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku xanuunsanaysay magaalada Nairobi, waxaana Geerida Marxuumad Raxmo imaaneysa 15 maalmood kaddib Geeridii Seydgeedii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo isna ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply