Kulan Xalay Dhexmaray Madaxda Shanta Dowlad Goboleed

 

26-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed oo dhinac ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay Magaalada Muqdisho ay kula kulmeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo iyagane dhinac kala ahaa.

Warka wuxuu ku darayaa in Shirka ay yeesheen 5-ta Dowlad Goboleed, in looga arrinsanayay Ismariwaaga ka taagan Doorashooyinka Dalka Soomaaliya oo ay habsaamiyeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladdiisa iyo Baarllamaankiisa haatan lagu sheego iney yihiin Xilgaarsiin.

Warka wuxuu kusii darayaa in Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe uu sheegay in Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ay ergo ahaan uga socdeen dhinaca Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergo ahaan u diray Madaxweyneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, si ay ula kulmaan Madaxda ka maqnaa shirka, ayna ula wadaagaan muhiimadda ay leedahay in ay gutaan doorkooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka,” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe.

Tan iyo haatan waxaan jirin wax war ah oo ay ka soo saareen shirka ay yeesheen.

Dalka Soomaaliya ayaa Afartii Sano ee ugu dambeeyay, ayaa wuxuu noqday Goob lagu dhigo Riwaayad Siyaasadeed, waxaana Riwaayaddaasi Siyaasadeed dhigayay kuwa soo socdo:

1. Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa, 2. Wasiir Koowaadkiisii Hore Xasan Cali Kheyre iyo La-taliyeyaashiisii, 3. Gudoomiyehii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo La-taliyeyaashiisii, 4. Gudoomiyaha Iminka ee

Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo La-taliyeyaashiisa, 5. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo La-taliyeyaashiisa, 6. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo La-taliyeyaashiisa, iyo 7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo La-taliyeyaashiisa.

Dadweynaha Soomaaliya intooda kale ee soo hartay oo ay ugu horeeyaan Siyaasiinta Mucaaradka ah kuwooda ugu badan, ayaa waxey iska noqdeen kuwo Daawado Riwaayada Siyaasadeed oo ay dhigayaan kuwa kor xusan.

Ugu dambeystii, Dad Weynaha Soomaaliya waxaa ay u baahan yihiin Siyaasiin Garan Karto Riwaayada Siyaasadeed ee la dhigayo, isla markaana ka badbaadin karo Dalka iyo Dadka Soomaaliya kuwa lasoo sheegay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply