Wasiirkii Hore Ee Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan Oo Muqdisho Soo Gaaray

 

25-03-2021

 

Wasiirkii Hore ee Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo maalin kahor Heshiis hor dhac ah la gaaray Dowladda Federaalka ayaa Galinkii Danbe ee Maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Muqdisho.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Wasiirro katirsan Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya, kuwaa oo Gobolka Gedo u tagay Soo Dhaweynta Cabdirashiid Janan,

Cabdirashiid Janan ayaa Muqdisho ku soo laabtay sanad iyo dheeraad kaddib markii uu ka baxsaday Xasbi uu ku jiray, isaga oo ku Eedeysnaa in uu galay Gabood Falo Kala Duwan, wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa jiray Dagaal Siyaasadeed oo u dhaxeeyay isaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Balse ugu danbeyntii Khilaafka Labada Dhinac ayaa la soo afjaray, iyadoo Cabdirashiid Janan uu sheegay in uu u tanaasulay sida uu hadalka u dhigay daruufaha adag oo ay xiligan wajahayaan Dadka ku dhaqan Gobolka Gedo iyo muhiimada ay leedahay in Qarannimada laga wadashaqeeyo.

Laakiin dhinaca kale marka la eego Heshiiskan waxaa dhaliilay Hay’adda Caalami iyo waliba Midowga Yurub oo ku tilmaamay mid wax-yeelo ku ah Dhibbanayaashii ay dhibaatadu ka soo gaartay iyo kuwii ku barakacay Colaadihii uu qeybta ka ahaaa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo uu ugu danbeeyay Dagaalkii Horraantii Sanadkan ka dhacay Degmada Beled-Xaawo.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply