Wakiillada Beesha Caalamka Oo Kulan La Yeelaneysa Madax Goboleedyada

 

25-03-2021

 

Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa lagu wadaa in maanta ay Magaalada Muqdisho kula kulmaaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in uu Kulankan uu ka dhacayo Tendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho kadib markii Wadahadalo Gaar-gaar ah ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay .

Sidoo kale waxaa Shirkan looga hadlayaa sidii Heshiis loogaga gaari lahaa Ajandaha Shirka Guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Si kastaba, Beesha Caalamka ayaa wada Dadaalo Xoog Leh oo lagu doonayo in Xal kama dambeys ah laga gaaro Khilaafka Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply