Qasaara Ka Dhashay Hoobiyeyaal Saakay Lasoo Gamay

 

25-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Hoobiyaal ah oo Saakay lagu gamay Xaafad katirsan Degmada Wadajir ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay Hoobiyeyaasha lasoo gamay ay geysteen Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la hubiyay ee u geeriyootay Hoobiyeyaasha lasoo gamay Saakay, waa 3 qofood oo Rayid ah halka inta u dhaawacantay Hoobiyeyaashaasi ay iyagane yihiin 5 qofood.

Kuwa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha Saakay lasoo gamay, ayaa la sheegayaa in qaarkood la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Weli waxaan jirin war kasoo baxay Saraakiisha Laamaha Amniga ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply