Qarax Uu Sarkaal Ku Dhintay Oo Ka Dhacay Muqdisho

 

25-03-2021

 

Qaraxaan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu duugo ayaa waxaa uu ka dhacay Laamiga Cusub ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ku dhintay Sarkaal katirsan Ciidamada Soomaaliya.

Sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis ayaa katirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana Gaari saruf ah oo uu watay ay Nooca Miinada soo boodada ah ku qabsatay Laamiga Cusub ee Degmada Dayniile, gaar ahaan Agagaarka Ceelka Ifis.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah Ilaalada Sarkaalka, waxaana goobta tagay oo Meydka iyo Dhaawacyadaba ka qaaday Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka uu Qaraxa ka dhacay.

Laamaha Amniga iyo Maamulka Degmada Dayniile weli kama hadlin Qaraxaas, hayeeshee maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanayay Qaraxyada Nooca Miinada soo boodada ah, kuwaas oo lala eegto Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply