Wasiir Katirsan Dowladda Xil Gaarsiinta Oo Digniin Dadban U Diray Qaar Kamid Ah Danjireyaasha Kusugan Soomaaliya

 

24-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Siihayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa lagu soo waramayaa inuu Digniin Dadban u diray qaar kamid ah Danjireyaasha Kusugan Soomaaliya.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin,” ayuu yiri Siihayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe.

Digniinta Dadban ee kasoo yeertay Siihayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe isla markaana loogu digayo Danjireyaasha Kusugan Dalka Soomaaliya Qaarkood, ayaa waxaa loo qaatay in uu ula jeedo Ergiga Qaraamida Modoobay ee Soomaaliya Jeemis Kiristofer Iswaan (SRSG James Christopher Swan), Ergiga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faranjeesko Kaytaano Joosee Madeyra (Amb. Francisco Caetano José Madeira), iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donaald Yukyo Yamamooto (Amb. Donald Yukio Yamamoto.

Waxaa muuqato in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu go’aansaday in Dadka iyo Dalka Soomaaliya uu xoog kusii haaysto kol hadii loo digay Danjireyaashii u hiilinayay Dadka iyo Dalka Soomaaliya isla markaana ka dhiidhinayay Awood Sheegashada Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply