Axmed Madoobe Oo Xilka Ka Qaaday Wasiirkii Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan

 

24-03-2021

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xilka Wasiirkii Amniga Maamulkaasi looga qaaday Cabdirashiid Janan.

Wareegtadan ka soo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Xil Ka Qaadista ah ayaa imaneysa xili saacadihii aynu soo dhaafnay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro Wadahadal Hoose oo u bilaawday Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Soomaaliya kaddib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Degmada Beled-Xaawo horraantii sanadkan,

Cabdirashiid Janan oo la hadlay BBC ayaa qiray Wadahadalka u dhaxeeya isaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo sanadihii ugu danbeeyayba ku sugnaa Xadka Kenya uu la wadaago Gobolka Gedo ayaa halkaa ka wadday Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Beled-Xaawo, waxaana Horraanttii Sanadkan looga itaal roonaaday Dagaal Culus oo Gudaha Degmada Beled-Xaawo ku dhaxmaray Xoogag isaga Taacbacsanaa iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply