Wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

 

23-03-2021

 

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guerrini Lorenzo, ayaa soo gaaray maanta Magaalada Muqdisho, waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiiru Dowladaha Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ayaa ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho. Sidoo kale, Danjiraha Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa soo dhaweynta ka qeybgalay.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply