Ururada Bulshada Rayidka Oo Ka Xun Hal Arrin Oo Ka Dhex Jirta DF Iyo Maamul Goboleedyada

 

23-03-2021

 

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka hadlay Khilaafka iyo is aaminaad la’aanta xiligaan ka dhex jirta Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid Maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiye Shaatax oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in muddo ay ka shaqeynayeen sidii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay Shir isugu imaan lahaayeen, si xal looga gaaro Khilaafka Doorashada.

Waxaa uu sheegay Tahliil Shaatax in Madaxda ay xiligaan ka dhex jirto is aaminaad darro xoogan, isla markaana waxa ay isku hayaan aysan aheyn Doorasho, hayeeshee ay isku hayaan Arrimo Shaqsi ah, taasina ay aad uga xun yihiin, kuna tilmaamay nasiib darro.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay ka walaacsan yihiin qaabka ay hadda wax u wadaan Madaxda, waxaana uu sheegay in ayaan darro ay tahay in Madaxda oo ku wada sugan Magaalada Muqdisho ay Shir isugu imaan la’ yihiin.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka, ayuu Carrabka ku dhufay in mar kasta ay soo dhaweynaayan Shirarka ay isugu imaanayaan Madaxda oo looga hadlayo Khilaafka Doorashada iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17dii Sebtember 2020kii.

Hadalka Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shalay Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay diideen Ka-qeybgalka Shirka Madaxda DF iyo Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Daafeed News

Leave a Reply