Dowladda Soomaaliya Oo ‘Wada-Hadal La Billowday’ Wasiir Janan

 

23-03-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo waxay sheegayaan inuu jiro Wada-hadal u dhexeeya Dowladda Federaaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashid Janan, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro Dagaalladii Labada Dhinac ku dhexmaray Degmada Beledxaawo.

Cabdirashid Janan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallo uu u socda isaga iyo Dowladda balse wax Heshiis aanan weli la gaarin.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Beledxaawo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Ciidamo ka amar qaata Janan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply