Deni Iyo Qoor-qoor Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

 

23-03-2021

 

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeyay muddooyinkii dambe.

Xildhibaanno katirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa Labada Mas’uul oo aan mudda wada-hadlin ku kulansiiyay Hotel ku yaalla Xarunta Xalane.

Waxa xusid mudan, in Khilaafka Deni iyo Qoor-qoor uu ka dhashay Hadaljeedintii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee 21dii Febraayo 2021dii, taas oo uu dhibsaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply