Shir Horudhac Ah Oo Ka Furmay Xerada Afisiyooni (Aviazione)

 

22-03-2021

 

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan Hordhac u ah Shirka Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo Fulinta Heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filisih).

Waxaa Shirkan ka maqan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay diideen Ka qeyb-galka Shirka sababo la xiriira in Ajandaha Shirka aan la isku raacsaneyn iyo Qaabka Agaasinka Shirka aanu aheyn sidii balantu aheyd.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply