Faah Faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

22-03-2021

 

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey Ciidamada AMISOM & Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Miir-taqwa, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ilo Dadka Deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal toos ah oo oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan hal askari, kuna dhaawacday labo kamid ah Ciidamada AMISOM.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi iyo Dagaalka ka horreeyey intaba.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Saldhigyada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply