Mudane Cali Guudlaawe Oo La Kulmay Mudane Jeemis Iswaan (James Swan)

 

21-03-2021

 

Muqdisho – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro Qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.

Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hir-Shabeelle, gaar ahaan Fatahaadaha maadaama la guda galayo Xiligii Roobaadka.

Xigasho: Daafeed News

Leave a Reply