Mudane Cabdicasiis Laftagareen Oo Muqdisho Soo Gaaray

 

21-03-2021

 

Muqdisho – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmihii la soo dhaafay kusugnaa Dalka Turkiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kadib markii uu kasoo degay Garoonka; waxaana kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya, kuwa katirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo xubno kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ujeedka safarkiisa ee Muqdisho waxaa uu yahay ka qeyb-galka Shirka Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ee looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, iyo Hir-Shabeelle, kuwaas oo dhamaantood ka qeyb-galaya Shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo Maalinta Berito ah ka furmaya Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply