Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Gaaray Degmada Feerfeer

 

21-03-2021

 

Feerfeer – Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Feerfeer ee Xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana u tagay Arimo Dib U Heshiisiin ah iyo Xoojinta Amaanka Xaduuda Labada Dal.

Yuusuf Dabageed, Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle waxa safarka u ku tagay Feefeer ku wehlinyaya Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, kan Degmada Baledweyne, iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ay soo dhaweeyeen Madaxa Hogaanka Nabad Galayada Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Dr. Xuseen Xaanshi Qaasim, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelle Aadan Xamed Sooyaan iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuususf Axmed Hagar (Dabageed) oo caawa ku sugan Feerfeer ayaa kulama kala duwan kula qaadan doona Madaxda ka socota Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Maalinta berita ah ayaa la qorsheynaya in halkaas uu ka dhaco Shir looga hadlayo Amaanka iyo Dib U Heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Madaxda ka socota Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply