AMISOM Oo La Wareegtay Ammaanka Shirka La Filayo In Uu Beri Ka Furmo Muqdisho

 

21-03-2021

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay la wareegeen Amaanka Goobta uu ka dhacayo Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Waxaa la sheegay in si buuxda ay AMISOM ula wareegtay Ammaanka Shirka, waxaana Shir goordhaweyd soo dhamaaday la isku afgartay, in Ciidamada Madaxda oo ay ku jiraan kuwa Federaalka Gaadiidka Dagaalka iyo Ciidamada looga reebi doono Albaabada laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Madaxda Dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo Ilaalada Gaarka ah ee loo yaqaan VIP-da.

Shirka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in berri uu furmo, waxaana Magaalada Muqdisho ku sugan Dhammaan Madaxda Maamul Goboledyada Dalka, kuwaasi oo shirka ka qayb gali doona.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply