Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: “Farmaajo Sharciyad Uma Haysto Inuu Shir Qabto”

 

20-03-2021

 

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka jawaabay War Saxaafadeedka Villa Somalia ee lagu iclaamiyay Shirka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay ayuu CC Warsame ku sheegay in Farmaajo uusan Hadda Haysan Sharciyad ama Awood Dastuuri ah oo ku qaban karo Shir Heer Qaran, maadaama Mudo Xileedkiisa uu Dhamaaday 8dii Febraayo.

 

“Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhamaaday, si uu isaga dalfiyo Fariinta Kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken, in uu Shir uusan Sharciyad u Haysan isugu Waco Rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Farmaajo ayaa Go’aanka Shirka ku dhawaaqay waxyar kadib, markii Fariin Culus uga timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo Walaac ka muujiysay Ismari-waagga Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Xigasho: Keyd Media Online

Leave a Reply